Qoys Muslim ah oo si ula kac ah loogu dilay magaalo kutaala dalka Canada (Sawirro)

Afar qof oo isku qoys muslim ah ayaa lagu dilay magaalo lagu magacaabo London oo katirsan gobolka Ontario ee dalka Canada, kadib markii nin watay gaari uu si ula kac ah dadkaasi u jiirsiiyay gaarigii uu watay.

Qoyska Muslimiinta ah ayaa markii gaariga la jiirsiinayay marayay  wado  ay doonayeen in ay ka gudbaan, waxaana nin jiirsiiyay gaari uu watay uu si xowli ah ku waday sida booliiska gobolka Ontario sheegeen.

Inta la xaqiijiyay weerarkan gaariga loo adeegsaday waxaa ku dhintay Aabe , Aayeeyo,Hooyo iyo gabar yar oo 15-sano jir ah, waxaa sidoo kale shilkan dhaawac culus uu kasoo gaaray wiil 9-sano jir ah.

Ra’iisal wasaaraha Canadia Justin Trudeau ayaa si kulul u cambaareeyay falkan lagu dilay qoyskan muslimiinta ahaa , waxa uuna sheegay in qalbigiisa la jiro dhibanayaasha isagoona tilmaamay in cadaalad heli doonaan.

Qoyskan Muslimiinta ah ee lagu dilay dalka Canada ayaa kasoo jeeda asal ahaan dalka Pakistaan, waxaana dadkan ay ku noolaayeen dalka Canada ay degnaasho ka heleen , waxaana falkan lagu dilay si weyn uga argagaxay Muslimiinta kunool Canada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -