Allbanaadir.com
NEWS

Volodymyr Zelensky oo soo bandhigay shuruudo uu shaqada uga tagi karo

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa shir jaraa’id uu qabtay , wuxuu ku ku caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xilka madaxweynaha haddii ay xal nabadeed oo deg deg ah u keenayso Ukrain .

Zelensky ayaa sheegay haddii la soo bandhigo dammaanad qaad amni uu iska tagi doono, waxaa kalo uu soo bandhigay sidoo kale inuu xilka ka deggayo haddii Ukraine ay ku biirayo Isbaheysiga NATO.

Zelensky, wuxuu ku celiyay inaysan ka dhaci karin doorashada Ukraine, iyadoo lagu jiro marxaladan,isagoo markaa is waydiiyay ;

“ Sidee tani ku dhici doontaa? Sidee ayay ciidamadu u codayn doonaan? Sidee bay u codayn doonaan dadka dibadda jooga? Kharkiv, gobollada kale illaa Sumy;sideen ku aqoonsan karnaa doorasho aan kala bar dadweynaha codeyn doonin?”

Madaxweynaha Ukraine ayaa diidday inuu saxiixayo heshiis uu Mareykanka khayraadka Ukraine ku helayo, isagoo ku andacooday 10 jiil oo dadka reer Ukraine khayraadkii ay adeegsan lahaayeen inuusan hadda bixin doonin qiimo kasta oo la soo bandhigo.

Related posts

Ragii watay gaari saakay magaalada Muqdisho ku qarxay oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

(Sawirro) Qarax ka dhacay tartan ay ka qeyb galayeen ciyaartoy ka kala timid 13 dal

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Nin dil iyo Kufsi geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---