Baaritaanka dilkii loo geystay Nafiso Cumar C/llaahi oo heer gebogebo ah maraya

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la soo gebagebeeyo baaritaanka cidii ka dambeysay dilka Nafiso Cumar Cabdullaahi oo 11 sano jir aheyd, taasoo meydkeeda laga dhax helay Digsi ku jiray gurigii ay ku nooleyd oo ku yaalla degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir ka dib markii maalmo la weysanaa.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiikh Aadan Cali ayaa sheegay galabta in baaritaanka kiiska gabadhii meydkeeda laga helay guriga waalidkeed uu meel fiican marayo ayna u xiran yihiin dhowr qof oo si weyn loo tuhunsan yahay.

Dhinaca kale, Saraakiisha hayā€™adda Dambi Baarista Booliska Soomaaliya ee CID ayaa sii daayey 3 ka mid ah shan qof oo qoyska ka mid ah, kuwaasoo qeyb ka ahaa dadkii loo xiray kiiskan sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyska ka dib markii lagu waayey wax dembi ah.

Wararka ayaa sheegaya baaritaan adag uu socdo labada qof ee lala haray oo kala ah wiil iyo gabar walaalo ah oo da’doodu kala tahay 20 iyo 16 sano jir, kuwaasoo ay walaalo ilma Abti ah yihiin Marxuumad Nafisa hooyadeed.

Labadan qof oo tuhunka ugu badan laga qabo ayaa la sheegay iney guriga kaligood joogeen markii la weynayay Marxuum Nafisa oo 11 jir aheyd, waxaana la helay cadeymo adag oo muujinaya iney falkaas ku lug lahaayeen inkastoo baaritaanku weli socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -