Maxaa laga filan karaa Kulanka Golaha Shacabka uu Farmaajo hortagayo Goordhaw ?

Madaxweynaha waqtigiisu dhamnaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa daqiiqadaha soo aadan in uu hortago Xildhibaanada golaha shacabka una u jeediyo khudbad.

Farmaajo ayaana Xildhibaanada kala hadli doona arimaha doorashada gaar ahaan mudo kororsigii ay sameesten balse socon waayay kadib markii dagaalo iyo khalalaase kalaba ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Waxaa la filayaa Madaxweynaha in mar kale Xildhibaanada ka codsado in ay ka laabtaan sharciga jiheynta doorashooyinka una codeeyaan in mar kale lagu laabto doorashadii dad baneyd ee ku heshiiyeen Dowlada iyo maamul goboleedyada.

Khudbada uu Madaxweyne Farmaajo u jeedin doono Xildhibaanada golaha shacabka ayaana si weyn dhagta loogu taagayaa, waxaana dadka qaarkiis rajo ka qabaan in Farmaajo halkaasi ka jeediyo hadalo hoos u dhigi karta xiisada Muqdisho ka taagan.

Siyaasiyiin iyo shacabka Soomaaliyeed qaarkood ayaa kula taliyay Madaxweyne Farmaajo in uu is casilo marka uu hortago Xildhibaanada golaha shacabka halka kuwa kalana ka codsadeen ugu yaraan in hosha doorashada ku wareejiyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa inta badan lagu soo waramayaa in raali ka yihiin ka laabashada mudo kororsigii ay sameeyeen, waxaana Xildhibaanada sidaasi ka codsaday Farmaajo oo kulamo hoose la qaatay.

Waxaa laga filayaa kulanka Xildhibaanada golaha shacabka uu ku hortagayo Madaxweyne Farmaajo in ay ka aqbalana codsigiisa ahaa in ay ka laabtaan mudo kororsiga oo dalka galiyay halis iyo bur bur loona diyaar garoobo doorasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -