Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

AMISOM oo ka jawaabtay eedeyntii Dowlada Soomaaliya u jeedisay ciidamada Kenya

Taliska ciidamada AMISOM ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in iyagoo ka jawaabaya qoraalkii dhawaan ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay baaritaan ku samaynayaan weerarkii dhinaca cirka ee dayuuradaha Kenya ka fuliyeen degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Dowlada Somalia ayaa ku eedeysay Kenya iney fulisay duqeyntaas ayna ku leysay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

“AMISOM ayaa hadda ku howlan aruurinta macluumaadka ku saabsan dhacdada laga soo sheegayo gobolkaas”, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay AMISOM, iyagoo intaasi ku daray in ay si dhaw ula shaqaynayaan dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Warbixinta Amisom laguma xusin magaca dawladda Kenya oo weerarkaasi ka danbaysay, sida ay sheegtay dawladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Kenya ay ka mid tahay dalalka Somalia ka joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed?

Caydiid Ali

Mukhtaar Roobow oo gudoomiyey shir looga hadlay arrin muhiim ah & go’aan laga soo saaray

Caydiid Ali

(Sawirro) Laftagareen oo daahfuray xarun loo dhisay Wasaarad ka tirsan K/Galbeed

Caydiid Ali