Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo dad 100 ka badan ku xasuuqay tuulo ka tirsan gobolka Yagha

Dabley hubeysan ayaa dilay ku dhowaad 100 qof oo rayid ah weerar xalay lagu qaaday tuulo ku taal waqooyiga waddanka Burkina Faso, sida ay sheegtay dowladda dalkaas.

Kooxahan ayaa habeenkii Jimcaha soo weeraray tuulada Solhan ee gobolka Yagha oo xuduuda la leh waddanka Niger, waxayna dileen dadkii deegankan ku noolaa, iyagoo sidoo kale gubay suuqa tuuladaas.

Weerarkan oo aan cidina sheegan ayaa dowladda Burkina Faso ku tilmaantay inay soo qaadeen kooxo argagixiso ah.

Weerarada kooxaha jihaadiyiinta ah ee lala xariirinayo al-Qaida iyo kuwa Galbeedka Africa ee gobolka Saaxil ayaa si aad ah kor ugu kacay tan iyo bilowgii sanadkan, gaar ahaan dalalka Burkina Faso, Mali iyo Niger, iyadoo dadka ugu badan ee dhibaatadu ka soo gartay weeraradan ay yihiin kuwa rayidka ah.

Dowladda Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday muddo 72 saacadood oo baroordiiq qaran ah, waxayna sheegtay in tirada horudhaca ah ee dadkii ku dhintay weerarkaas ay gaareyso 100 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caruur 40 ka badan oo lagu xasuuqay duqeyn ka dhacday dalka Yemen (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Howlihii dekeda Berbera ee Somaliland oo joogsaday & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Mid kamid ah Dowlada Caalamka oo la sheegay in ay Basaasto Xogta Midowga Afrika

admin
Taboola Ads ---