Caruur 40 ka badan oo lagu xasuuqay duqeyn ka dhacday dalka Yemen (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan 43 caruur ah ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay weerarro duqayn ah oo lala beegsaday bas dugsi oo ay la socdeen kaasoo marayey magaalo ku taal woqooyi Yemen oo fallaagada Xuuthiyintu gacanta ku hayaan.

Wararka ayaa sheegaya in baabuurkaas ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka ee huwanta Sucuudigu hogaaminayo ee taageeraya xukuumadda Yemen ee dagaalka kula jirta fallaagada Xuutiyiinta.

Wararka midkood ayaa tibaaxay in ardaydaa dugsiga hoose dhiganaysay ay ka noqonayeen tamashle la geeyey markii weerarku qabsaday.

Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa sheegtay in ugu yaraan 43 caruur ahi ay dhinteen.

Xulufada weerarka geysatay ayaa sheegtay in ay beegsanayeen mintidiin ay sheegeen inay dhibaateeyaan rayidka, isla markaana ahaayeen weerarro lagaga falcelinayey gantaallo lagu weeraray koonfurta Sucuudiga oo hal qof uu ku dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -