Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur galbeed, ayaa maamulka cusub loogu magacaabay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.
Ismail Abukar Mohamed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha Degmada, iyadoo Yaxye Qaasim Abdullahi laga dhigay guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada, halka Abdiqani Mohamed Hassan loo Magacaabay guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda.
Degmada Wanla-wayn ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa xiisad dagaal oo u dhaxeysay guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada iyo ku-xigeenkii Maaliyadda, taasoo dhalisay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com