Kim John Un oo gaaray Singapore iyo Trump oo isna kusii jeeda (Daawo Sawirada)

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Singapore oo la filayo in maalinta talaadada kulan taariikhi ah ku yeeshaan Kim Jonh Un iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Wafdiga uu Hogaaminayay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim John Un ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Singapore, waxaana Wafdigan la dejiyay Hotel qaali ah oo si weyn loo sugayo amaankiisa,

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa isna la filayaa in saacadaha soo aadan uu ka degto dalka Singapore, waxaana dalkaasi ka socda diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha Mareykanka.

Labada Hogaamiye ayaa la filayaa in maalinta talaada kulankii ugu horeeyay oo waji ka waji ah ku yeeshaan Jaziirada loo dalxiis tago ee Sentosa, waxa ayna noqon doontaa markii ugu horeesay Madaxweyne Maraykan oo xil haya la kulmo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -