Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada NISA oo joojiyey xaflad lagu taageerayey Musharax Mustaf Dhuxulow

Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka NISA ayaa joojiyey xaflad uu magaalada Muqdisho ku qabsan lahaa mid ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha.

Waxaa Xafladan lagu taageerayey Musharax Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, iyadoo la xaqiijiyey inay ciidamo ka tirsan NISA joojiyeen, kuna amreen maamulka Hotelka ay ka dhici lahayd ee Afrik inaan la qaban karin.

Ciidamada Hotelka gaaray ayaa la sheegay inay ka socdeen Nabadsugidda G/Banaadir iyagoo maamulka hotelka u sheegay inay heystaan amar sare oo lagu joojinayo xafladda.

Talaabadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee dowladda Madaxeyne Farmaajo ku farageliso ololaha Musharixiinta Madaxweynaha, iyadoo kusoo beegantay xili maanta la xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, magaaladana la geliyey xaalad amni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

Related posts

Muuse Biixi oo la kulmay safiirada dalalka Midowga Yurub u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar lagu qaaday Guriga Gudoomiye Degmo oo kahor yimid xil ka qaadis lagu sameeyay

Cabdi Cade

Isbadal lagu sameeyay Arimaha Xajka iyo Kenya oo soo saartay qaraar ka dhan Al-Shabaab iyo Madaxwayne Waare oo qayliyay

admin
Taboola Ads ---