Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada G/Banaadir oo bilowday dhegeysiga dacwad loo heysto dad ajnabi ah

Maxkamadda G/Banaadir waxay maanta u fariisatay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee sumaddiisu tahay MGB/DDL/179/2021, kaasoo ay eedeysanayaal ka yihiin lix qof oo 4 ka mid ah ay yihiin ajaanib, kuwaasoo dhamaantood ahaa shaqaalihii iyo asasaasayaashii shirkada SAHAN RESEARCH.

DF ayaa dadkan ku eedeysay falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amniga qaranka iyo basaasid siyaasadeed ayna ku xad gudbeen Qodoboda 199-200-201-202-204-205-71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna kala yihiin:-

1- Matt Bryden oo horey u ahaa madaxa Guddigii QM ee dabagalka xanibaada hubka Somalia.
2- Rashid Abdi
3- Robinson Colin,
4- Kheyre Abdrahman Rage.
5- Emmanuel Deidder,
6- iyo David Hopkins

Dhamaan dadkan ayaa ah maqanayaal ay horay Maxkamaddu ugu sameysay baafin iyo u yeeritaan laakiin ay imaan waayeen, Maxkamadduna waxay u qabatay Qareeno difaaca eedeysanayaashaas.

Qareenadii waxay keeneen fadhigii maanta is’hortaag ka dhan ah Eedda, sido kalena Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu ka jawaabay is hortaagaasi, Maxkamadduna waxay ku soo afmeertay fadhigan inay qaraar ka soo saarayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War Cusub: Israel oo duqeysay fariisimo ciidamada Masar ah ku leeyihiin xadka Gaza

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo arrimo badan iska kaashanaya (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Ciidamo uu horkacayo Jen. Caanood oo howlgalo ka wada magaalada Marko

Caydiid Ali
Taboola Ads ---