Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin qaliin looga sameeyey caloosha oo laga soo saaray Musaamiir & agab kale (Sawirro)

Madaxa Isbitaalka Arbaminch ee ku yaalla koonfurta Itoobiya ayaa sheegay in masaamiir gaareysa 30, biro iyo agab kale laga soo saaray caloosha nin maxbuus ahaa oo u dhashay dalkaas.

Temesgen Teshome wuxuu sheegay in ninka maxbuuska ah uu ku xukunnaa 7 sano oo xarig ah, haatana laga daweynayo xannuunka dhanka dhimirka ah.

Ninkan ayaa Talaadadii la soo dhaafay la dhigay Isbitaalka Arbaminch isago oo sheegayo in calool xanuun uu dareemayo ayna xaaladdiisa ay halis aheyd, sida uu sheegay Teshome.

Dhakhaatiirta ayaa markii dambe ninka maxbuuska ah caloosha ka saaray raajato (X-ray), waxaana la ogaaday in calooshiisa iyo mindhiciradiisa lagu arkay qalab ay ka mid yihiin masaamiir iyo biro.

Sida laga soo xigtay Temesgen Teshome, waxaa lagu sameeyay qalliin markii la arkay in dheef -shiidgiisa uu gebi ahaanba xiran yahay. “Markii qalliinka lagu sameynayay, waxaa la ogaaday in qalabka ay dhexgaleen caloosha iyo mindhicirada, markaa waxay noqotay in si taxaddar leh loo qalo”, ayuu yiri Teshome.

Ku dhawaad 30 musmaar, afar qalin, cirbad, dun iyo biro adag, ayaa laga soo saaray calooshiisa, iyadoo markii qalliinka lagu sameeyay, dhakhaatiirta waxay ninka saareen raajo kale, waxay xaqiijiyeen in calooshiisa uusan wax kale ku jirin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mareykanka oo War kasoo saaray Howlgalkii habeen hore ka dhacay Duleedka Bariire

Cabdi Cade

Bushaaro Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya Qurbajoogta Soomaliyed wakhtiga summer-ka

Cabdi Cade

Facebooka Ashraf Qaani oo la jabsaday iyo Ereyo lagu taageerayo Taliban oo lagu qoray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---