Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Qarax Xoogan oo Lagu dilay Cabdullaahi Carab iyo ciidamo la socday

Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah lala eegtay ciidamo katirsan kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay wadada isku xirta Degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose, waxaana qaraxaasi lala eegtay ciidamo katirsan Daraawiishta Jubbaland oo wadadaasi marayay.

Qaraxa Miino ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay sargaal ciidan oo lagu magacaabayay Cabdullaahi Carab iyo sadex askari kale oo la socotay , waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay askar kale.

Maamulka Jubbaland ayaana wali ka hadlin qaraxan sargaalka ciidan looga dilay, qaraxyo  miino ayaa marar badan lala eegtay ciidamo katirsan maamulka Jubbaland oo ku sugan deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Jubada Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Muqdisho oo xiray nin ku kacay fal argagax leh

Caydiid Ali

Waalidiinta Caruurtooda loo qaaday Eritrea oo loogu baaqay in ay Degaan Ilinka Villa Somalia

Cabdi Cade

Dowlad Carbeed oo kaalin ku laheyd ridista Xukuumadii Ra’isul Wasaare Kheyre !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---