Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo Tababar loogu soo xiray Turkiga (Sawirro)

Ciidamo katirsan kumaandooska dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa loogu magac daray  Gor Gor ayaa tababar bilooyin dhoor ah u socday loogu soo xiray Magalada Sparta ee dalka Turkiga.

Munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidamadan katirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa lagu qabtay xero milatari oo kutaala magaalada Sparta, waxaana munaasabada ka qeyb galay saraakiil katirsan dowlada Soomaaliya iyo dowlada Turkiga.

Ciidamada tababarka loo soo xirayay ayaa soo bandhigay dhoolo tus cajiib ah oo ku muujinayeen waxyaabihii ay barteen, waxa ayna ciidankan sheegeen in diyaar u yihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Ciidamadan katirsan Gor Gor ee tababarka loo soo xiray ayaa la filayaa in dalka dib loogu soo celiyo si ay qeyb uga noqdaan howlagalada ciidamada dowlada ay ku doonayaan in guud ahaan kula wareegaan degmooyin iyo deegaano badan oo gacanta dowlada ka maqan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo sheegay in Biden uu lumiyey heybadii iyo cabsidii laga qabi jiray Maraykanka

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor-qoor & Wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Daacishta Puntland oo is khilaafay Soomaali iyo Ajaaniib ayaa loo kala baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---