Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo dhaleeceyey dhigiisa Ruushka Putin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay dhigiisa Ruushka kaddib weeraradii maanta uu ku qaaday caasimada Ukraine ee Kyiv ee lagu dilay ugu yaraan 12 qof, ku dhowaad 100 kalena lagu dhaawacay.

Isagoo ku dhajiyay bartiisa Bulshada, Trump wuxuu qoray in weerarradu aan loo baahnayn iyo ayna ku soo beegmeyn waqti aad u xun.

“Vladimir Putin, jooji! 5,000 oo askari todobaadkii ayaa dhimanaya” ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka.

Weerarkan ayaa sababay in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu soo gaabiyo safarkiisii ​​rasmiga ahaa ee uu ku joogay Koonfur Afrika.

Wada-xaajood nabadeed oo toddobaadyo socday ayaa u muuqdey kuwo ku soo socda fashil oo aan heshiis la gaarin.

Goor sii horeysay, Trump wuxuu si kulul u weeraray Zelenskyy, isagoo ku dhaleeceeyay inuu diiday inuu dhiibo Crimea taasoo qayb ka ah heshiis suurtagal ah.

Related posts

Jubbaland oo War kasoo saartay ciidankii saakay iska dhiibay Raaskanbooni

Cabdi Cade

Saylici oo Booqasho aan la fileyn ku tagay Deegaanka Tukaraq (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dayax-madoobaad sanado kaddib laga arkay dalal Afrika kuyaalla

Cabdi Cade
Taboola Ads ---