Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo guddoomiyay kulan arrin muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta Caddaaladda iyo Garsoorka dalka, kaas oo ay ka soo qeyb galeen Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha garsoorka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay fulinta go’aamada ka soo baxa Maxakamdaha dalka oo ay fuliyaan Booliska iyo sidii ay dhinacyadu si dhow ugu wada shaqeyn lahaayeen, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan garsoor madax-bannaan oo hufan.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray ahmiyadda ay leedahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo shuruucda caddaaladda dalka, si loo waafajiyo hannaanka federaalka ee uu dalka qaatay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta caddaaladda dalka oo udub-dhexaad u ah horumarka la hiigsanayo iyo wadajirka bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Amniga Gudaha, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran, Taliyaha Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Dowladii labaad ee ka tirsan Yurub oo qorsheyneysa iney qaxootiga geyso Rwanda

Caydiid Ali

Duqeyn lala beegsaday xarunta Idaacad Al Shabaab leedahay iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo bog cusub u fureysa xiriirka Kenya iyo RW Rooble oo shaaciyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---