Magaca iyo Sawirka Askarigii Mareykanka looga dilay Duleedka Kismaayo oo la shaaciyay (Sawirro)

Waaxda Difaaca dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeesay shaacisay magaca , xogta iyo Sawirada askari katirsanaa ciidankooda oo Jimcihii  looga dilay Deegaanka Baar Sanguuni oo kuyaala duleedka magaalada Kismaayo .

Askariga la dilay ayaa ahaa Sadex alifle Sgt. Alexander Conrad oo 26-sano jir ahaa, waxa uuna ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka Guutadda 1-aad, Kooxda 3-aad ee Ciiddanka Khaaska ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo gobolka North Carolina.

Waaxda Difaaca dalka Mareykanka ayaan wali shaacin magacyada iyo sawirada afar askari kale oo weerarka ka dhacay duleedka Kismaayo lagu dhaawacay, waxaana dhaawacyada askartan laga dhoofiyay garoonka Kismaayo.

Askarigan looga dilay Mareykanka gudaha Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad oo sanadkan looga dilo Soomaaliya, waxa ayna noqoneysaa markii ugu horeesay oo Mareykanka ciidamo looga dilo tan iyo waxii ka dambeeyay sanadkii 1993-dii oo 18 askari looga dilay Mareykanka magaalada Muqdisho .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -