Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare Kheyre oo xalay Kormeeray qeybo kamid ah Muqdisho

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay wehliyaan Wasiirada Amniga Gudaha, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliyaal ciidan ayaa kormeeray qeybo kamid ah Muqdisho.

Kheyre iyo Xubnaha la socday ayaa u kuur galayay sida ciidamada amaanka uga howl galayaan Degmooyinka gobolka Banaadir iyo Koontaroolada ciidamada ka joogaan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa Warbixino ka dhageestay ciidamada amaanka ee ku sugan koontaroolada magaalada Muqdisho, waxaana saraakiisha ciidanka uga warbixiyeen Ra’isul Wasaaraha sida loo sugo amaanka Caasimada.

Kormeerka uu xalay Ra’isul Wasaaraha soomaaliya ku sameeyay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili ciidamada ay inta badan xireen Wadooyinka magaalada Muqdisho sidoo kale mar kale dhagxaan lagu jaray wadooyinkii Jidcadayaasha ay horey dowlada u furtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Geelle oo ka hadlay xiliga ay aqoonsiga siinayaan Somaliland & arrimo kale oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Kismaayo iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Nabad sugida Jubbaland oo fashilisey qarax lagu aasayey duleedka Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali