(Sawirro) Rooble oo ka hadlay Marxaladaha uu soo maray Shirka wadatashiga Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii sebteembar ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyada ay khusaysay arrinta doorashada oo muujiyey tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah, waxana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyed.

Eng. Rooble ayaa sheegay in laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, sida arrinta Gobolka Gedo, Hannaanka doorashada gobollada Waqooyi, turxaan bixinta qaab-dhismeedka guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-gobleed iyo sidoo kale amniga doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyayaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan sidii ay loo hirgelin lahaa doorashada, isla markaana uu dalku uga baxi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ku geedaaman.

Ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha dowladda ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in xukuumaddiisu ay xil iska saarayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -