Ciidamada Kumaandooska iyo kuwa Mareykanka oo ka baxay Baar Sanguuni (Daawo Sawirro)

Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 50-km u jira magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi isaga baxeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah oo dhawaan Al Shabaab kala wareegay deegaankaasi.

Ciidamada Huwanta ah ayaa tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Baar Sanguuni la kulmayay weeraro xoogan oo kaga imaanayay dagaalyahanada Al Shabaab oo horey deegaankaasi ugu sugnaa.

Weerar maalintii jimcaha Al Shabaab ku qaadeen ciidamada Kumaandooska iyo kuwa Mareykanka ayaa lagu dilay askari Mareykan ah iyo ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya,

Al Shabaab ayaa sidoo kale shalay galainkii dambe weerar ismiidaamin ah ku qaaday ciidamada qabsaday Baar Sanguuni, waxa ayna Al Shabaab sheegteen in khasaaro xoogan weerarkaasi ku gaarsiiyeen ciidamada Huwanta ah.

Wararka laga helayo Baar Sanguuni ayaa sheegaya in Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya shalay iyo xalay isaga baxeen Deegaanka Baar Sanguuni waxa ayna ciidamada dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkii ay ka fuliyeen Baar Sanguuni ku dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale gacanta kusoo dhigeen qaar kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -