Allbanaadir.com
NEWS

Madfac lagu weeraray Magaalo ku taalla Sacuudiga oo dhimasho iyo dhaawac geystay

Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yeman ayaa shaaciyey in Madfac ay soo rideen kooxda Xuuthiyiinta Yeman uu saddex qof ku dilay Gobolka Jizan ee Koonfurta Sacuudiga.

Wakaalada Wararka Sacuudiga oo soo xigatay Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga Sacuudiga Turki Almaaliki ayaa sheegay in Madfac ay soo rideen kooxda Xuuthiyiinta ee Iiraan ay taageerto uu ku soo dhacay Duhurnimadii maanta degaan ay shacab degan yihiin magaalada Jizan ee Koonfurta Sacuudiga.

Isbaheysiga Sacuudiga ayaa ku hanjabay inuu jawaab culus ka bixin doono weerarka Xuuthiyiinta iyo dadka rayidka.

Xuuthiyiinta Yeman ayaa Gantaallo iyo madaafiic si joogto ah ugu weerarra Boqortooyada Sacuudiga iyadoo uga jawaaba weerarrada isbaheysiga Sacuudiga ka wado dalka Yeman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilkaasi hanjabaadna dirtay

Cabdi Cade

Itoobiya & Sudan oo heshiis hordhac ah ka gaaray xiisada ka taagan xadka labada dal

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Indhihiisa kusoo arkay Baaxada Dabkii ka kacay Suuqa Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---