Ciidamo uu Hogaaminayay Jen. Odawaa oo Al Shabaab kala wareegay Deegaano (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya uu hogaaminayay Taliyaha ciidanka Xooga dalka Jeneraaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano katirsan Degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Afhayeen u hadlay ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka la wareegeen deegaano badan oo Al Shabaab ka joogeen gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa uuna xusay in ciidamada khasaaro ku gaarsiiyeen Al Shabaab howlgalkaasi.

Deegaanada maanta la wareegeen ciidamada xooga Soomaaliyeed ayaa waxaa kamid ah War-dhagax, war-ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, waxaana deegaanadan horey ugu sugnaa Al Shabaab.

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa cadeeyay in howlgalka ciidamada ka wadaan gobolka Shabeelaha Dhaxe uu sii socon doono ayna Al Shabaab ka saari doonaan deegaano ay gobolkaasi ka joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -