Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Faysal Bin Farxaan Al Sacuud oo Booqasho ku tagay dalka Kenya (Daawo Sawirada)

Wasiirka arimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Faysal Bin Farxaan Al Sacuud ayaa booqasho ku tagay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowlada Kenya.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in Wasiir Faysal Bin Farxaan Al Sacuud u yimid magaalada Nairobi sidii uu wadahadalo ula yeelan lahaa Madaxda dowlada Kenya.

Wasiirka arimaha Dibadda Sacuudiga ayaana madaxda dowlada Kenya la yeelan doona wadahadalo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo sidii ay mar kale labada wadan u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Israel oo hal goob ku xasuuqay dad 100 ka badan oo gargaar sugayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay Wasiiro iyo Saraakiil katirsan Dowlada Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciyaartoy ka qeyb galeysay tartan ciyaareed ka socda dalka Australia oo lala’ yahay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali