Shirkii Guddiga Farsamada xal u helidda khilaafka Doorashada oo Baydhabo ka furmay

Magaalada Baydhaba ee Maamulka K/Galbeed waxaa ka furmay shirkii Guddiga Farsamada xal u helidda khilaafka Doorashooyinka ee uu magacaabay RW Rooble.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Beesha caalamka ayaa guddiga ka qeyb galaya waxaa laga soo kula xulay DF, shanta maamul goboleed iyo maamuila gobolka Banaadir

Guddigan ayaa shirkooda magaalada Baydhaba, uga arrinsanaya qodobada la isku mari waayey ee fashiliyey shirkii Dhuusamareeb 4.

Xogta laga helay shirka Baydhaba ayaa sheegaya in shirkan ay gacan weyn ku leedahay Beesha Caalamka, iyadoo sidoo kale isku xireysa madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka; waxaana socda dadaal kale oo xal loogu helayo arrinta Gobolka Gedo oo ah tan ugu adag ee hortaagan Doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -