Taalibaan oo si buuxda ula wareegtay Dooxada Panjshir kana taagtay Calankeeda

Dagaalyahanada Taalibaan ayaa dagaal culus oo maalmo socday kadib la wareegtay inta badan gobolka Buuraleyda ee Panjshir oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen xoogag la magac baxay Xooga iskacaabinta Taalibaan.

Taalibaan ayaana la wareegtay caasimada gobolka Panjshir waxa ayna calankooda ka taageen xarunta maamulka gobolkaasi, iyaga oo sidoo kale la wareegay xarumihii kale ee maamulka iyo ciidanka.

Afhayeenka kooxda Taalibaan Zabihullah Mujahid oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in gabi ahaan la wareegeen dooxada Gobolka Panjshir kadib markii ay jabiyeen xoogagii hubeesnaa ee kasoo horjeeday Taalibaan .

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay firxadeen kooxdii kasoo horjeeday lana wareegeen hubkooda, waxa uuna cadeeyay in hubka ay dagaalka ku qabsadeen lagu darayo keydka hubka dowlada Afganistan ee gacanta ku hayaan.

Hogaamiyaashii iyo saraakiishii kooxda iskacaabinta Dooxada Panjshir ayaa la waayay meel ay ku dambeeyeen, waxaana warar horey usoo baxay sheegayeen in ay ka baxeen Afganistan una gudbeen dal kale

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -