Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad ka aloosneyd magaalada Baladweyne (Akhriso)

Waxaa maanta heshiis horudhac ah laga gaaray colaad labo beel oo walaalo ah ku dhax martay deegaano kuyaala  duleedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, colaadan ayaana sababtay khasaaro badan oo isugu jira naf iyo maal.

Wafdi isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano dowlada federaalka Soomaaliya u dirtay magaalada Baladweyne ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in heshiis horudhac ah laga gaaro colaada dhiiga badan ku daatay.

Wasiiru dowlaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed “Gama’diid” ayaana sheegay in heshiis laga gaaray colaadii labada beel u dhaxeysay, waxa uuna u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geesatay joojinta colaadaasi.

Halkan ka Akhriso heshiiska maanta laga gaaray colaada Baladweyne

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -