Sheikha Latifa oo mudo dheer kadib Sawiradeeda la arkay iyo hadal heyn ka dhalatay

Laba sawir oo ah Sheikha Latifa, gabadha amiirka xukuma Dubai, ayaa kasoo muuqday barta Instagram, saddex bil kadib markii BBC-da ay baahisay farriin muuqaal ah oo ay ku sheegtay in lagu haysto guri Villa ah oo xiran.

Sawirradan, ayaa haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa mid ka mid ah xilliyada faro ku tiriska ah ee Latifa lagu sawirro goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan tan iyo markii ay saddex sano ka hor sameysya isku day fashilmay oo ay uga baxsaneysay maamulka aabaheed, ayada oo doon u qaadatay Badweynta India.

Wixii markaas ka dambeeyey, Latifa iyo taageerayaasheeda ayaa sheegay in loo haysto si qasab oo ah amarka aabaheed Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum, Amiirka xukuma Dubai iyo madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka Carabta.

Sheekha iyo Imaaraadka Carabta waa ay beeniyaan eedeymahan.

Sheikha Latifa Gabadha Dhaxda fadhida

Bishii April, khubarada xuquuqda aadanaha ee QM ayaa Imaaradka Carabta ka dalbaday inay soo bandhigaan “caddeymaha nolosheeda” oo ay sii daayaan Latifa bint Mohammed al-Maktoum, oo ah 35 jir, kadib muuqaalkii BBC-da.

Ilo-wareedyo ku dhow kuwa u ololeeya in lasii daayo ayaa sheegay in labada sawir, oo lasoo dhigay cinwaanka Sioned Taylor ee Instagram ay yihiin kuwa sax ah oo dhowaan la qaaday. Tylor ayaa waxaa cinwaankeeda ku qoran inay macallin ka tahay iskuul ku yaalla Dubai oo ay dowladdu maamusho.

Wakaaladda wararka Reuters si madax banaan uma xaqiijin karto haddii Latifa ay haysato xorriyad dhaq-dhaqaaq. Sidoo kale xiriir lala sameeyey wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta kama aysan jawaabin sawirradan.

Sawirka koowaad oo Khamiistii lasoo digay cinwaanka Tylor ayaa muujinaya Latifa oo ku sugan dibedda masrax aflaanta laga daawado oo ku yaalla gudaha moolka Dubai.

Sawirka labaad oo cinwaanka Tylor lasoo dhigay Sabtidii ayaa muujinaya Latifa oo fadhisa dibedda maqaayad gadaasheeda uu ka muuqdo moolka Dubai.

Latifa ayaa soo jiidatay dareenka caalamka 2018 markii koox u doodad xuquuqda aadanaha ay baahisay muuqaalo ay ku qeexday isku day ay kaga baxsan rabtay Dubai. Waxaa meel u dhow xeebaha India kasoo qabtay ciidamo gaar ah, kuwaas oo dib ugu celiyey Dubai.

Source-VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -