Talaabo afduub ah oo geesatay mid kamid ah dowladaha Yurub oo si weyn loo cambaareeyay

Midowga Yurub , Dowlada Mareykanka iyo dowlado kale ayaa si kulul u cambaareeyay fal afduub ah oo geesatay dowlada Belarus, kadib markii diyaarad rakaab si khasab ah u weecisay ugana dejisay dalkeeda.

Diyaarad rakaab oo ka baxday dalka Greece kuna socota waddanka Lithuania ayaa si khasab ah looga dejiyay magaalada Minisk ee dalka Belarus, kadib markii diyaarad milatari ku khasabtay duulimaadka diyaarada in loo weeciyo magaalada Minisk.

Diyaaradda Ryanair ee dalka Ireland ayaa markii si khasab ah looga dejiyay garoon diyaaradeed oo kuyaala dalka Belarus waxa ay ciidamada booliiska diyaarada kala dageen wariye Raman Pratasevich oo ahaa dibad joog mucaarad ku ahaa hogaamiyaha dalkaasi.

Wariye Roman Protasevich oo niyad jabay aadna u naxay ayaa madaxa gacmaha saartay marki uu ogaaday in diyaaradda ay ku socoto dalka uu kasoo jeedo oo uu baxsad ka ahaa, sababo la xiriira ammaankiisa .

Midowga Yurub ayaana falka diyaarada loo weeciyay loona xiray Wariyaha ku tilmaamay mid afduub ah oo loo geestay diyaarad rakaab , waxa ayna dowlada Belarus ugu baaqeen in ay jawaab ka bixiyana falkaasi ayna sii daayaan wariyaha la xiray.

Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale fal xun oo laga naxo ku tilmaantay talaabada ay qaaday dowlada Belarus, halka dowlada Lithuania oo diyaarada ku socotayĀ  sheegtay in ay furtay kiis argagixiso oo ka dhan ah dowladda Belarus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -