Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay Masuuliyiin iyo saraakiil kasoo jeeda Itoobiya iyo Eritrea

Dowlada Mareykanka ayaa xayiraad dhinaca socdaalka ah kusoo rogaty masuuliyiin iyo saraakiil kasoo kala jeeda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ,kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin colaada wali ka taagan gobolka Tigrey.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka fekeraya in cunaqabteyn dhaqaale kusoo rogaan dowlada Itoobiya sidoo kale meesha ka saaraan taageeradii dhinaca amaanka ay siin jireen xukuumada Adis Ababa.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa shaaca ka qaaday in xayiraado dhanka dal ku galka ah lagu soo rogay saraakiil ka soo jeedo Itoobiya iyo Eritrea kuwaas oo lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysteen gobolka Tigray.

Waxa uu sheegay Mr Blinken in loo baahan yahay in la qaado talaabooyin caalami ah si wax looga qabto colaada gobolka Tigrey loona ciqaabo kuwa ku lugta leh tacadiyada halkaasi ka dhacay.

Ciidamada federaalka Itoobiya oo taageero ka helaya ciidamo kasocday Eritrea ayaa la wareegay inta badan gobolka Tigrey, waxaana ciidamadasi la sheegay in xasuuq iyo tacadiyo badan k ageesteen magaalooyin gobolkaasi katirsan.

 

- Advertisement -