Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Mid kamid ah maamul goboleedyada oo mamnuucay xirashada Indhoshareerka

Ciidammada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray amar cusub oo deegaanada maamulkaasi ka arimiyo looga mamnuucayo xirsahada Indhashareerka ay xirtaan haweenka. 
Taliyaha ciidammada Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta Jubbaland ayaa sheegay in laga bilaabo shalay oo ay taariikhdu aheyd 23 Maayo 2021 la adkeeyay joojinta xirashada Indhashareerka si loo adkeeyo amniga guud ee shacabka.
Booliiska ayaana sheegay in sababta ay u mamnuuceen xirashada indhashareerka ay tahay xoojinta amaanka si looga hortago in rag falal amni dara abuuraya ay iska dhigaan haween ayna soo xirtaan indho shareer.
Maamulka Jubbaland ayaa sidan oo kale dhoor mar oo horey u mamnuucay xirashada indhashareerka balse sidii ay rabeen u dhaqan gali waayay amarkaasi, lamana oga sida uu hada u dhaqan geli doono amarkan.
Magaalada Kismaayo iyo magaalooyin kale ayaa horey loogu qabtay rag xirnaa dharka dumarka sida xijaab iyo indhoshareer kuwaa oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen falal amaanka lidi ku ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo lagula taliyay in uu qaato Telefoon Shiinees ah iskana bedelo Iphone-ka !! 

Cabdi Cade

RW Khayre oo la kulmay qaar ka mid ah Safiirada dalalka caalamka u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Joe Biden oo ka hadlay Dilka Ismaaciil Haniya iyo saameynta ka dhalan karta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---