Weerar ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Weerar Ismiidaamin ah ayaa goor dhow lagu qaaday saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degaanka Baar Sanguurni ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Gaari caasi ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayay Shabaab la beegsadeen saldhigga Ciidamada Jubbaland sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Nin isa soo miidaamiyey ayaa la sheegay inuu gaarigan ku qarxiyey afaafka hore ee xerada ciidamada Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in qaraxaas la fashiliyey, uuna gaarigaas qarxay markii ay rasaas ku fureen ciidanka ilaalada ka ah xeradaas, iyagoo xusay inuu jiro khasaare kooban.

Al-Shabaab ayaa iyana sheegtay masuuliyada weerarkaasi ismiidaaminta ah iyagoo xusay in lagu dilay in ka badan konton oo askari, qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac ma jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya qaabka uu qaraxaas u dhacay iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka wado agagaarka Magaalada Kismaayo, shalay ayeyna aheyd markii weerar ka dhacay duleedyada magaaladaas ay ku dileen askari Maraykan ah, qaar kalena ku dhaawaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -