Ciidamo Itoobiyaan ah oo katirsanaa Howlgalka Q/M oo diiday in dalkooda lagu celiyo

Ciidamo Itoobiyaan ah oo katirsanaa howlaglka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa diiday in dalkooda dib ugu laabtaan, waxaana soo baxaya warar ku aadan sababaha keenay in ciidankaasi diidaan in dalkooda lagu celiyo.

Wakaaladda Wararka AFP ayaa ku warantay in ciidamo Itoobiyaanka oo ku sugnaa Koonfurta Sudan qaarkood diideen in dalkooda dib ugu laabtan kadib markii ay dhamaatay mudadii howlglka ciidankaasi.

Ciidamadan Itoobiyaanka oo gaarayay 169 askari ayaa la qorsheeyay in dalkooda lagu celiyo, hasa ahaatee 15-askari oo katirsan ciidankan kana soo jeeda gobolka Tigrey ayaa diiday in dalkooda ku laabtaan iyaga oo codsaday in halkooda sii joogaan.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa u sheegay Wakaalada AFP in 15-askar oo katirsanaa ciidamada Itoobiya diideen in ay raacaan diyaarad dalkooda ku celin laheyd, waxa ayna codsadeen in ay sii joogaan Sudan.

Ciidamadan oo la sheegay in aysan ku faraxsaneyn duulaanka lagu qaaday gobolka Tigrey ka cabsadeen in waxyeelo loo geesto hadii ay dib ugu laabtaan dalkooda, waxa ayna ciidamadan sheegeen in aysan dalkooda ku laaban karin cabsi darteed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -