Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaano Carbeed oo Mucaarad iyo Muxaafid isku feeray (Daawo Sawirro)

Dagaal gacan ka hadal ah ayaa waxa uu dhax maray Xildhibaano katirsan Baarlamaanka dalka Kuwait, Xildhibaanadan gacmaha iskula tagay ayaana kala ahaa kuwa muxaafid ah iyo kuwa kale oo mucaarad ah oo kasoo horjeeda.
 
Xildhibaanada ayaana isku dhax feeray Xarunta Dhexe ee Barlamaanka dalka Kuwait oo ku taalla caasimadda Kuwait City, waxaana la arkayay xildhibaanada oo isla dhacaya feer iyo haraanti.
 
Isku dhaca Xildhibaanada Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradka ayaa yimid, kadib, markii cod loo qaaday Miisaaniyad-sanadeedkii 2020-ka ilaa 2021-ka oo ay Xukuumadda dalkaasi soo gudbisay.
Warbaahinta dalka Kuwait ayaa ku warantay in Xildhibaanada Mucaaradka ayagu bilaabeen Dagaalka iyagoo gacanta ula tegay Xildhibaanada Muxaafidka ee taabacsan Xukuumadda dalkaasi.
 
Ciidamada booliiska u xil saaran Ammaanka Golaha Barlamaanka ayaana kala dhex galay labadii Garab ee dagaalantay iyadoo Amarka iyo Nidaamka dib loo soo celiyey, kadib daqiiqado xarunta Baarlamaanka isku bedeshay meel foodo ah.
.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/efy__7pGtqc

Related posts

Akhriso Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Guddoomiye hore Maxamuud Maxamed Nuur

Cabdi Cade

Muxuu yahay Khilaafka culus ee ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Imaaraadka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---