Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo degaano cusub lagala wareegay, lagana gubay xarun Maxkamad

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale ciidamada xoogga ayaa la wareegay degaanada kala ah War dhagax, War ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere oo katirsan gobolka shabeelada dhexe, iyadoo halkaasi ay Al-shabaab ku lahaayeen xarumo.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in dab qabadsiiyeen xarumihii Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Warciise oo ay ku jirto Maxkamad ay halkaas ku lahaayeen

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan degaanada ay howlgalka ka wadaan, isla markaasna Al-shabaab halkaasi lagu gaar siiyay khasaaro xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi caan ah oo ka falceliyay Hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo geystay xasuuq kale oo arxan daro ah

Caydiid Ali

Xildhibaanada Golaha shacabka oo beri kulan la isugu yeeray iyo ajandaha oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---