Allbanaadir.com
NEWS

Nin Faransiis ah oo Iska soo tuuray Dabaqa 3-aad ee Masjidka Xaramka (Daawo Muuqaal)

Nin u dhashay dalka Faransiiska dhawaana diinta Islaamka soo galay ayaa la sheegay in uu xalay iska soo tuuray Dabaqa 3-aad ee Masjidka Xaramka ee magaalada Barakeesan ee Maka Al Mukarama.

Muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa laga dhax arkayay ninkan oo kasoo dhacaya Dabaqa Sadexaad ee Masjidka Xaramka xili muslimiin badan ay dawaafayeen halka uu ninkan uu kusoo dhacay.

Ninkan oo ahaa 26-sano jir u dhashay dalka Faransiiska ayaa geeriyooday isla markii uu dhulka kusoo dhacay, walina lama oga sababta ninkan uu isaga soo tuuray dabaqa sadexaad ee Masjidka Xaramka.

Dowlada Sacuudiga ayaa horey u sameeyeen xayndaab adag oo dadka looga ilaaliyo inay ka soo dhacaan Dabaqyadda uu ka kooban yahay Masjidka Xaramka ee magaalada Maka Al-mukarama .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal oo dood adag ka yeeshay doorashooyinka iyo matalaada Shacabka

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Ahlu Sunna oo la geeyay Madaxtooyada Galmudug lana kulmay Qoor Qoor

Cabdi Cade

Weerar lagu dilay saraakiil iyo xubno badan oo katirsan kooxda Al Shabaab oo ka dhacay..

Cabdi Cade