(Sawirro) Al-Shabaab oo laga qabsaday saldhigii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen Mudug

Ciidamadda Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maanta la wareegay Saldhiggii ugu weynaa ee Al-shabaab ay ku lahaayeen aagga deegaanka Shabeelow ee Koofurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada ayaa xusay in Al-shabaab ay saldhigan ka soo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan gobolkaasi.

Ciidamadda la wareegay goobahaaasi ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka ururka Horseed Gaashaanle Maxamed Cali Salaad iyo Saraakiil kale.

Dagaal kooban oo halkaas ku dhexmaray Ciidamada Daraawiishta iyo Al-shabaab Khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ee halkaas ku sugnaa, iyadoo dhammaan la burburiyay Saldhigyadii ay ku lahaayeen sida ay sheegeen saraakiisha Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -