Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdiga uu hogaaminayay.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka looga hadlayo arimaha doorashada dalka oo la filayo in saacadaha soo aadan ka furmo xerada Afisiyooni .

Madaxda maamulka Puntland, Jubbaland iyo Hirshabrlle ayaa iyana la filayaa in saacadaha soo aadan soo gaaraan magaalada Muqdisho , waxaana xalay Muqdisho usoo gaaray Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro Soomaali ah oo dhimasho & dhaawac ku noqday shil ka dhacay Canada

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay degmada Balcad iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Khilaaf ka dhex curtay Farmaajo iyo Qoor-qoor iyo Al-Shabaab oo gacanta looga dhigay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---