Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde

Waxaa daqiiqado kahor garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayay.

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya , Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Jubbaland ee soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka wadatashiga ee looga hadlayo arimaha doorashada kaa oo la filayo in Muqdisho uga furmo Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka looga hadlayo arimaha doorashada oo la filayay in maanta ka furmo Muqdisho ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu dib u dhac ku yimid uuna furmi doono maalinta sabtida ah ee taariikhdu ku beegan tahay 22-ka May.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad u dacwooday Maxkamad Al Shabaab leeyihiin oo Muqdiho lagu xiray

Cabdi Cade

Saciid Deni oo wareegto ku Magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) oo magaca laga bedelay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---