Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Jowhar iyo Qaar kamid ah Ilaalada Cali Guudlaawe oo …

Waxaa saakay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Hirshabelle iyo maleeshiyaad macawiisley ah uu ka qarxay magaalada Jowhar, waxaana dagaalka oo wali socda ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Macawiisleyda weerar xoogan kusoo qaadeen baro ay joogeen ciidamada ilaalada Madaxtooyada Hirshabelle iyo kuwa booliiska, waxaana xiligaas kadib qarxay dagaal xoogan oo labada dhinac dhax maray.

Sida aan wararka ku helnay dagaal hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa ka dhacay xaafada Hanti Wadaag , waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah.

Ku dhawaad 10-qof ay ku jiraan dhinacyada dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalka wali ka socda magaalada Jowhar, waxaana dadka ku dhintay dagaalka ku jira sargaal iyo askar katirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Hirshabelle.

Ciidamo gurmad ah ayaa gaaraya aaga ay ku dagaalamayaan ciidamada macawiisleyda iyo kuwa maamulka Hirshabelle, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii xoogeesto kuna sii fido xaafado hor leh oo katirsan Jowhar.

Caasimada Hirshabelle ee Jowhar waxaa maanta ka taagan xaalad hubanti la’aan ah, dadka qaar ayaa bilaabay in ay barakacaan, waxaana dagaalka ka socda Jowhar imaanayaa xili magaalada go’doomiyeen fatahaada biyaha Wabiga Shabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -