(Sawirro) Cali Guudlaawe oo doon ku maray deegaano uu ku fatahay Webiga Shabelle

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  maanta socdaal kormeer ku tagay Tuulada Baarey oo dhowaan uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa indha indheeyay goobta uu fatahaada ka sameeyay Wabiga oo howlo lagu xirayo ay ka socoto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in fatahaadaha ay saameeyen in kabadan 25 tuulo, dhibaatada ugu badana ay ku dhacday Tuulada Baarey oo dadkii daganaa ay ka barakaceen fatahaada, xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto.

Cali Guudlaawe ayaa deeq kala duwan oo raashin iyo daawooyin ah ku wareejiyay dadka ku nool Tuulooyinka Baareey iyo Geedo barkaan oo fatahaada Wabiga Shabeelle ay saameysay isagoo Dowladda Federaalka bulshada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadaha ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka ay dhibaateeyeen fatahaada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -