Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo baabi’isay Heshiisyadii shaqo siinta Dibadda (Akhriso)

Dowlada Soomaaliya ayaa baabi’isay heshiisyadii shaqo siinta shaqaalaha Soomaaliyeed ay kula jirtay shirkado ajaaniib ah oo shaqaale Soomaaliyeed u qaadi jiray qaar kamid ah wadamada dibadda.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay heshiisyadii horey dowlada ula gashay shirkadaha ajaaniibta ee shaqaalaha Soomaaliyeed qaadi jiray.

Wasaarada qoraalka kasoo baxay ayaa lagu faray hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha xukuumada Soomaaliya in ay kahor tagto in dalka laga dhoofiyo cid kasta ay uga shakiyaan in shaqo siin dibadeed loo qaadayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan duco iyo Quraan Akhris ah oo loo sameeyay Agaasimihii Madbacadda Qaranka Somalia

admin

Mareykanka iyo Masar oo isla oggolaaday badbaadinta Ajaaniib ku xayiran Gaza

Cabdi Cade

(Sawirro) Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo laga gudoomay Warqadaha aqoonsiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---