Kulan Shaki badan abuuray oo dhax maray Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mar kale u sharaxan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ay qeyb ka ahaayeen Xildhibaano katirsan baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa ka dhacay guriga uu Sheekh Shariif ka degan yahay Muqdisho, waxa uuna kulanka ahaa mid albaabada u xirnaayeen.

Ilo ku dhaw dhaw madaxda kulantay ayaa laga soo xigtay in kulanka ay isaga warsanayeen labada Madaxweyne xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan shirka lagu wado in looga hadlo khilaafka ka taagan doorashada ee 20-ka bishan ka furmaya Muqdisho.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulankan hordhac u yahay isbaheysi hoose ay yeelanayaan qaar kamid golaha midowga musharaxiinta gaar ahaan kuwa ay dhabta ka tahay qabashada xilka Madaxweynaha.

Musharaxiinta kala ah Sheekh Shariif ,Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay sameesanayaan isbaheysi hoose si ay meesha uga saaraan Farmaajo midkoodna uu talada dalka la wareego.

Kulankan ayaa imaanaya xili musharaxiinta qaar shalay soo saareen War saxaafadeed aan loo dhameyn sidoo kale jiraan qaar kamid ah musharaxiinta in uu soo kala dhax galay mad madow iyo kala shaki.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -