Madaxweyne Bishaar Al Assad oo la kulmay Hoggaamiyaha ugu sareeya dalka Iiraan

Madaxweynaha dalka Siiriya Bishaar Al Assad ayaa booqasho ku tagay dalka Iran , waxa uuna madaxweynaha la kulmay Hoggaamiyaha kacaanka Iran ugu sareeya iyo madax kale oo katirsan dowladda Iran.

Bishaar Al Assad iyo hoggaamiyaha ugu sareeya dalka Iran ee Ayatollaha Ali Khamenei oo kulmay ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo colaada ka aloosan dalka Siiriya iyo xaalada Bariga Dhaxe.

Madaxweynaha dalla Siiriya oo booqashadii labaad ku tagay dalka Iran tan iyo markii dagaalku ka qarxay dalka Siiriya ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi iyo masuuliyiin kale oo sar sare.

Dowladda Iran oo xiriir fiican la leh dalka Siiriya ayaa ku taageertay Madaxweyne Al Assad iska caabinta kooxihii hubeesnaa ee doonayay in talada xoog uga tuuraan, waxaana Iran gudaha Siiriya ka joogo ciidamo badan oo garab siinaya dowladda Siiriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -