Muwaadin Soomaaliyeed oo goordhaw lagu dilay magaalada Cape Town

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay sii kordhaya dilalka muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geesanayo Dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Cape Town oo hada noqotay meesha ugu daran ee Soomaalida lagu ugaarsado.

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa goordhaw xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Bellville oo katirsan magaalada Cape Town waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay C/qaadir Cumar Cali Biyeey.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo biskoolado ku hubeesan ay muwaadinka Soomaaliyeed ku dhufteen rasaas isaga oo Suuqa dhax socda kadibna ka qaateen boorso loo maleenayo in uu lacag ku sitay.

Dilkan ayaana argagax badan ka abuuray Xaafada Bellville oo Soomaali badan degan tahay, waxaana dad badan layaab ku noqotay in xili dharaar cad ah suuqa dhaxdiisa lagu dilo muwaadin Soomaaliyeed.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Cape Town tuulooyin hoostaga gaar ahaan tuulada Khayalisha lagu dilay in ka badan 5-ruux oo Soomaali ah, waxaana dadkaasi dilay kooxo burcad ah oo Soomaalida baad ka qaadi jirtay oo dhaxdooda dagaal ka qarxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -