Boqortooyada Sacuudiga oo taageero afka baarkiisa ah u muujsay shacabka Falastiin

Boqortooyada Sacuudiga ayaa cambaareysay waxay ku tilmaantay xadgudbka ay Israa’iil ku heyso Falastiiniyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlayay shir ay lahaayeen Ururka Iskaashiga Islaamiga ayaa sheegay in dalkiisa uu ku baaqayo in Israa’iil ay si deg deg ah ku joojiso duqeymaha.

Wuxuu intaas ku daray in boqortooyada Sucuudiga ay taageereyso dadaal kasta oo lagu sii xoojinayo nabadda Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar ayaa Sabtidii la kulmay madaxda siyaasadda ee Xamaas, wuxuuna ku baaqay in Israel ay joojiso duqeymaha ay ka waddo Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

“Bulshada caalamka waa inay deg deg ugu dhaqaaqdaa in lasoo geba-gebeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza iyo masjidka Al-Aqsa ee Qudus,” ayuu yiri Shiikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -