(Sawirro) Israel oo ka hadashay sababta ay u burburisay xaruntii Tv-ga Aljazeera ee Gaza

Dhismo ku yaalla marinka Qaza oo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP ayaa burburay kadib markii Israa’iil ay duqeysay.

Ka hor weerarka waxaa laga guuray dhismaha kadib markii milkiilaha dhismaha ay digniin u dirtay Israa’iil, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

 

Militeriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay inay gantaallo ku garaaceen dhismo ku yaalla Gaza oo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP.

Bayaan kasoo baxay militeriga oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dhismaha Qaza Tower uu yaallay agab militeri oo ay lahaayeen ururka Xamaas isla markaana ay gabaad ka dhiganayeen halkaas.

Hase ahaatee Telefishinka Al Jazeera ayaa cambaareeyay gantaallada Israa’iil la beegsatay dhismaha Gaza oo xaruntooda ay ku tiilay.

Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in tallaabadan ay tahay ficil cad oo looga hor istaagayo saxafiyiinta inay gutaan waajibaadkooda muqadaska ah ee ah inay caalamka u sheegaan kana warbixiyaan dhacdooyinka socda.

“Al Jazeera waxay balan qaadeysaa inay raacdo waddo kasta oo la heli karo si ay dowlada Israa’iil masuul uga noqoto ficilkeeda.”ayaa lagu yiri bayaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -