Khilaaf soo kala dhax galay Guddiga Dib u Heshiisiinta Galmudug iyo Sababta keentay

Waxaa khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay guddiga qaban qaabada Shirweynaha Dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug, xili la filayo in magaalada Dhuusomareeb uu ka furmo shirka Dib u heshiisiinta.

Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa hada u kala jabay labo garab oo isdiidan, waxaana la sheegay in hogaanka guddigan dhaxdiisa uu ka jiro khilaaf una kala qeybsameen labo garab.

Xoghayaha guddiga dib u heshiisiinta Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddiga uu labo garab u kala jabay, waxa uuna xusay in la isku diidan yahay arimo badan oo dib u heshiisiinta

Waxa uu sheegay Cabdikaafi in Guddiga uu fashilmay una muuqdo kuwa aan shir u qaban karin beelaha dega Galmudug, waxa uuna cadeeyay in marka hore loo baahan yahay in guddiga dhaxdiisa dib u heshiisin loo sameeyo.

Xoghaya Guddiga ayaa sheegay qodobada guddiga isku hayaan ay kamid yihiin mudadda uu soconayo shirka iyo sidoo kale in la tix galiyo saxiixayaashii Cadaado halka kuwa kalana ay kasoo horjeedaan sida uu tilmaamay.

”Waxyaabaha la isku khilaafsan yahay waxaa kamid ah mudada shirku soconayo, qolo ayaa leh isbuuc ha socdo iyo qolo kale oo taagan in shirka waqti badan la siiyo si heshiis fiican loo gaaro, waxaa kale la isku hayaa hala qaato saxiixayaashii shirkii Cadaado ee Galmudug lagu dhisay iyo kuwa cusub hala sameeyo” ayuu Yiri Xoghaya Guddiga

Khilaafkan soo kala dhax galay guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa imaanaya xili dhawaa la filayo in magaalada Dhuusomareeb ka furmo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega, waxaana magaalada joogta inta badan ergadii shirka ka qeyb gali laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -