Nabad Sugida Soomaaliya oo faah faahisay nin u shaqeeya Shirkad Ganacsi oo …

Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay nin u shaqeeya shirkad ganacsi oo isbuucii hore lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka.

War kasoo baxay Hay’dda NISA ayaa lagu sheegay ninkan shirkada ganacsi u shaqeenayay uu dhaqaalaha u kala gudbin jiray shabakad la sheegay in ay ka shaqeeneysay falal amaan daro kawada Muqdisho.

Hay’adda NISA ayaan soo bandhigin magaca ninkan ay xireen iyo waliba shirkada uu u shaqeenayay, waxa ayna kaliya sheegeen in ninkan la shaqeenayay shabakad amaan darada ka shaqeeneysay.

“Sida aan kusoo gudbinay “Tweet” kii hore ee(11/7/2019), ciidanka Amniga ayaa soo qabtay shakhsi u shaqeeya shirkad ganacsi, kaasoo lagu tuhunsanyahay u sahlida isu gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro kawaday Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraal NISA kasoo baxay.

Ciidamada NISA gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ka fuliya howlgalo qorsheesan oo lagu soo qabto dad la tuhmayo. mana jiraan faah faahino badan ay NISA ka bixiso dadka ay soo qabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -