Allbanaadir.com
NEWS

Sargaalad katirsaneyd Milatariga Soomaaliya iyo Seygeeda oo ku dhintay Qaraxii Muqdisho

Qaraxii maanta ka dhacay barkoontarool oo ciidanka Nabad sugida ku leeyihiin agagaarka Xabsigii hore ee Godka Jilacoow ayaa waxaa ka dhashay khsaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray saraakiil, ciidan iyo dad shacab ah.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dadka qaraxa ku dhintay ay ku jirto Sargaalad katirsaneyd ciidanka Milatariga Soomaaliya oo lagu magaacaabo Faay Cali Raage, waxaana wararku sheegayaan in sargaalada uu la dhintay seygeeda oo isna askari ahaa.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay askar ilaalo u aheyd sargaalada oo la socday gaari Cabdi Bille ah, waxaana sargaalada geeriyootay iyo ciidanka la socday ka howlgalo jireen gobolada Shabeelooyinka.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxan ku dileen saraakiil katirsan ciidanka dowlada iyo sidoo kale ciidamo badan, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in Xildhibaano ku dhaawacmeen qaraxan.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee bishan Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu dhacayaa xili amaanka magaalada si weyn loo adkeeyay lana xiray qaar badan oo wadooyinka magaalada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliban oo soo saartay amar cusub oo ka dhan ah haweenka Afghanistan

Caydiid Ali

Dil dad badan ka argagaxeen si weyna loo cambaareeyay oo loo geestay C/Maalik Al-Sanabani

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada cusub oo kulankoodii ugu horeeyey iskugu yimid (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---