Taliye sare oo katirsanaa kooxda Daacish oo nolol lagu qabtay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Taliye sare oo katirsanaa kooxda Daacish ee mar maamuleysay qeybo badan oo kamid ah dalka Ciraaq ayaa gacanta lagu dhigay, kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka dalkaasi.

War kasoo baxay taliska ciidanka ammaanka ee dalka Iraq ayaa lagu sheegeen inay gacanta ku dhigeen taliyihii kooxda Daacish ugu qaabilsanaa booliska magaaladda Mosul ee Caasimadda gobalka Ninawa ee Waqooyiga dalka Ciraaq.

Xoggo dhanka sirdoonka iyo dabagal ay wadeen ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa sahashay in taliyahaasi oo lagu naanayso Abu Saqar lagu qabto gudaha Mosul oo 400 KM dhanka Waqooyiga kaga toosan magaalada Baghdad.

Warka kasoo baxay laamaha ammaanka Ciraaq ayaa lagu sheegay in baaritaanno ku socdaan taliyahan katirsanaa Daacish ee la qabtay, waxaana lagu tuhmaa in qeyb ka ahaa dad badan oo lagu xasuuqay Mosul intii Daacish joogeen.

Dagaalamayaasha kooxda Daacish waxay horey maamuli jireen magaalada Mosul tan iyo sanadkii 2014-kii, ka hor intaysan ciidanka dowladda Iraq dib ula wareegin magaalladaasi sannadkii 2017-kii.

- Advertisement -